Posts

Showing posts from July, 2019

DHAQAN-GELINTA KASMO NAFEEDKA

Marka hore waxa iswaydiin mudan Cilmiga barashada naftu waa cilmi noocee ah, muxuu qabtaa, waa maxayse himiladiisu, ma yahay cilmirumaysan kala duwanaanshaha qofeed, diineed, bulsho iyo dhaqan? Haddaba aqoonta barashada naftu (psychology) waa mid ka mid ah culuumta bulshada ( social sciences), ama culuumta loo yaqaanno culuumta bani’aadannimada (human sciences). Cilmigani waxa uu diraaseeyaa:- -Habdhaqanka (Behaviour),oo ah waxa uu qofku samaynayo ama ku hadlayo, kaas oo ah wax la dheehan karo, sidoo kalena la arki karo (objective activity). -Waxyaabaha caqliga ku saabsan ama shaqooyinka ka dhacaya maskaxda bani’aadamka gudaheeda (cognition activities), shaqooyinkaa oo aan la arki karin, balse, laga dheehan karo habdhaqanka qofka, sida: fikirka “thinking” xasuusta (memory), garashada “perception”… -Dareennada (emotions and feelings), sida dareennada kala duwan ee ay ka midka yihiin; dareenka cabsida, farxadda, jacaylka, daganaashaha, cadha...

DHAQAALAHA SOMALILAND MIYUU KOBCAY 10 KII SANO EE AYNU SOO DHAAFNAY MISE HOOS BUU U DHACAY?

Dad badan ayaa ku warma arrinta, bal aan isku dayo inaan si kooban uga hadlo dhaqaalaha Somaliland 10kii sano ee aynu soo dhaafnay (2007 - 2019). Koboca dhaqaalaha (economic growth) waxa lagu ogaadaa dhawr arrimood: 1.Wax iibsiga macmiisha 2.Adeegyada bulshada 3.Shaqo abuurka 4.Miisaaniyada dawlada 5.Maalgashiga Iwm Dhaqaalaheenu waa mid inagu kooban inaga oo aan waafaqsanayn qaar ka mid farsamooyinka caalamka lagu ogaado koboca dhaqaalaha. Tusaale, ma jirto xogo sheegaya awooda wax iibsiga macmiisha (consumer spending). Sidoo kale ma jirto xogo rasmi ah oo qeexaya dakhliga iyo wax soo saarka dalka (GDP and per capita output). Mida kale ma jirto xog dhab ah oo ku salaysan qiyaasta sicir bararka (inflation rate) iyo dulsaarka bangiyadu bixiyaan (interest rates) marka laga saaro macluumaad aan hufnayn oo ay soo ururiyaan Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyada iyo Qorshayntu. Waxa kale oo aan iyana la haynin dheelli-tirka ganacsiga aynu is dhaafsano waddamada kale (trade balance) sida ...

FALANQAYNTA BUUG Eat That Frog oo af somali ku noqonaaya CUN RAHAA

Cagajiid iyo niyadda oo aaminta in shaqadu ku badan tahay ayaa ka mid ah sababaha dib u dhaca ku keena hawlqabashada qofka. Mark Twain oo ahaa qoraa iyo macallin jaamacadeed caan ahaa oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa mar uu dadka ku dhiirrigelinayey sida ugu habboon ee ay uga fogaan karaan ka cagajiidka shaqada waxa uu reebay hal-ku-dheg macnihiisu ahaa, Subaxda hore raha nool cun, wax ka xun oo maalinta inta hadhay aad la kulmi doontaa ma jiro Twain waxa uu ogaa in aanay jirin hawl ka xun in qofka shaqo looga dhigo in uu rah nool cuno, laakiin haddii shaqadaadu ay taas noqotay, hore isu dhaafi oo weliba hadday laba rah yihiin ka weyn ku bilow subaxda horeba ayaa ay taladiisu ahayd. Haddii shaqada laguu diray teeda ugu dhibta iyo yaq-yaqsiga badan aad ku bilowdo maalintaada inta aanad hawlkalaba u jeedsan, ayaa keenaysa in shaqooyinka kuu hadhay oo dhami noqdaan kuwo naftu ku dhiirrato oo weliba iyada oo ka raalli ah ay dhaqso u samayso. Qoraagaa iyo dhiirrigeliyaha horumarinta n...