Cilmaaniga Soomaaliyeed

Summadda cilmaaniga soomaaliyeed !!!!
Wax waliba waxa uu leeyahey summadd iyo baadi sooc   lugu garto.
haddaba cilmaaniga soomaaliyeed waxa uu leeyey summado  lugu aqoonsan karo waxaana ka mid ah :-
1.la dagaalanka luuqadda carabidda .
2.dhaleeceynta  wadaadada gaar ahaan kuwa wahaabiga ey ku naaneysaan.
3.takoorka culimada iyo ku koobidda wacdiga iyo masjidka ,taas oo ey uga jeedaan si ey wadaadadu saaxada bulshada ugu baneeyaan cilmaaniga iyo hororada la midka ah .
4.ku daneysiga nusuusta iyo qawaacida qaarkood  si ey ugu garaacaan mabaadi badan oo shareecada ka mid ah ,waxaana tusaale u ah  aayadan
"فمن شاء فليؤمن ومن شاء فليكفر"
  Oo ey duliishadaan horiyad diimeedka kuna deedifeeyaan xadka ridada iyo wixii la midka ah.
5.uga  faa iideysiga dhacdooyinka -sida qaraxyada iwm- ribeynta culimada iyo sumcad xumeynta dacwadda ey ku baaqayaan .
Tusaale ahaan wiil aan maalin dhaweyd qormo uu leeyahey aan akhriyey,ayaa waxa uu sheegey in wadaadada soomaaliyeed dhamaantood ey dhaleen kooxaha dhiigga ummadda baneysta.
Waana been geesa leh .....
6.ka hadalka masaa,isha   diinta iyaga oo aan  aqoon ula heyn,sida heesuhu ma xalaal baa mise waa xaaraan. 
7.u xaglinta cid walba oo weerar ku ah diinta.   
8.dacaayadeynta carabta iyo caayiddooda.
9.maan ku muran badan oo aan xog cilmi aan ku dhisneyn.
10.dafiraadda shareecada wax ka mid ah sida xadka ridada , ama si guudba xeer ciqaabeedada islaamka .

Comments

Popular posts from this blog

DHAQAALAHA SOMALILAND MIYUU KOBCAY 10 KII SANO EE AYNU SOO DHAAFNAY MISE HOOS BUU U DHACAY?

FALANQAYNTA BUUG Eat That Frog oo af somali ku noqonaaya CUN RAHAA

Ha isdhiibin